Heyadda cashuuraha iyo howlgallo

Hoowlgalladii la xiriirey ka hortagga ama baabi’inta cashuuraha jeebka mulkiilaha gasha ee goobaha laga cunteeyo, lagu caweeyo iyo wixii la mid ah ee mulkida loo leeyahey, kuwaasina oo ey heyadda cashuurtu ku howlaneed muddooyinkan dambe ayaa warbixin ey heyaddu soo bandhigtey ku caddeysey in guulo waawaaeyn laga soo hoyey.

Lacagaha laga lunsado dawladda ee la xiriirta shaqooyinka suuqa madow ayaa la sheegey iney kor u gaarayaan sannadkii 60 milyaard ee koronka Iswiidhishka.

Conny Svensson, waa sarkaal ka howlgala heyadda cashuurtaha ee Skatteverket, islamarkaana wuxuu heyadda u qaabilsan yahey qorsha lagu dooneyo sidii lagu dhimi lahaa dhaqaalaha dawladda kaga luma shaqooyinka suuqa madow.

Ilaa iyo hadda waxey howlgalladaasi dhaliyeen tiro gaareysa afar kun oo ruux iney helaan shaqa cad, halkii ey horey u ahaan jireen mid suuq madow.

Sidoo kale waxey howlgalladaasi ku soo kordhiyeen qasnadda dawladda lacag gaareysa 600 oo malyuun oo koronka iswiidhishka, laguna rajo weyn yahey sida uu sheegey sarkaalkaasi in sannadka aakhirkiisa ey lacagahaasi gaaraan illaa iyo hal milyaard.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".