CODKA Arbaco 2008-01-09

Barnaamijka maanta waxaad ku maqli doontaan

Baarihii dawladdu u xilsaartey inuu ka soo baarandego sida laga yeeli lahaa heyadda dawo iibinta ee Apoteket-ka ayaa shaleyto salaasadii soo bandhigey fikirkiisa, kaasina oo u qushuucay wasiirka bulshada Göran Hägglund.

Kajsa Bergqvist, oo horey u heysatey biladda dahabka ee addunka iyo tan Yurub ee bootinta sare ee haweenka oo cayaarihii ka fariisatey.

Kuraastii iskuulaadka dugsiyada sare ee waxbarashada dadka waaweyn oo aad hoos ugu dhacdey, kadib dowladda oo degmooyinka ka dhintey miisaaniyaddii ey ku kabi jirtey.

Barnaamij cusub ee ka bilaaban doona magaalada Malmö, lana xiriira sheekooyin ey waalidiinta ku jirta xabsiyada u duubaan dhallaankooda si ey habeenkii inta aaney seexan ka hor u dhageystaan.

Idaacadda leyska dhageysto ee P2 oo maalinta Isniinta taariikhduna tahey 14, ey ka baahin doonaan markii ugu horreeysey sheekooyin caruureed ku baxa af-soomaali. Iyo wareysi aan la yeelaney Mahdi Axmed Warsame, ahna akhriyaha sheekooyinkaa.

Marar badan ayaan is barbar dhigney xaaladda soomaalida ku dhaqan Iswiidhen iyo kuwa Finland. Waa sidee ka qeyb qaadashada finlaandeyska-soomaalida ee dhanka siyaasadda.