Shakhsi lagu wado gaariga curyaanka bukaansocodka deg degga hortiisa. Foto:Björn Larsson Rosvall/Scanpix.

Howl ka fariisi maanta bilowdey

12-kii duhurnimo, maanta oo isniin ah, 21-ka bisha Apriil ayuu bilowdey shaqa ka fariisi ey sameynayaan qaar ka mid ah kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee ka howlgala gobollo ka mid ah 21-ka gobol ee dalku ka kooban yahey.

Qiyaastii tiro gaareysa 1 000, kalkaaliye caafimaad ayaa shaqadoodii ka fariistey laga bilaabo 12-kii duhurnimo ee maanta.

Caqabadahaa ayey bukaan socod badani taaban doonaan, iyadoona dib loo dhigey qalliimo badan ee lagu talo jirey in lagu sameeyo qaar ka mid ah bukaan socodka, iyadoona sidoo kale albaabada loo laabey qaar ka mid ah goobaha bukaan socodka deg degga ah, kuwaasina uu ka mid yahey bukaan socodka deg degga ee cisbitaalka lagu magacaabo ”cisbitaalka Bariga” ee magaalada Göteborg.

Sidoo kale waxey caqabado la soo gudboonaan doonaan bukaansocodka deg degga ee Istockholm iyo nawaaxiga Skåne.

Magaalada Istockholm ayey bukaansocodyo deg deg ahi kaltan dhaaf maalin ah u qaban doonaan howsha.

Magaalada Istockholm ayey afarta bukaan socod ee deg deggu howsha si jadwal ah midba maalin u xirraan doonaa. Maanta waa kaalin u yeeshey inuu xirraado bukaan socodka deg degga ee cisbitaalka S:t Göran, halka berritana oo Salaasa ah uu xirraan doono kan Huddinge.

Wixii akhbaar ah ee ku soo kordha xaaladdaasi waxaad kala socon doontaan idaacadaha wararka iyo bogga internetka ee sr.se, laanteeda afka soomaaliga.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".