Ibraahim Aadan, oo ah Romario aabbihii.

Saddex dhallinyaro oo tuhunkii laga masaxey

Maxkammaddii Romario oo go’aankeedii maanta oo Jimce ah lagu dhawaaqay.

Dilkii bishii Oktoober ee sannadkii tagey ka dhacey xaafadda Shiista (Kista), ee uu ku geeriyoode inan 23-tan jir ah ee lagu naaneeysi jirey ”Romario”, iyo dhaawacyadii halista ahaa ee loo geystey laba kalee ruux ayaa go’aankii maxkammada oo maanta soo baxay lagu sheegey in saddexdii ruux ee dembiga lagu soo oogay la caddeyn waayay iney dembigaa geysteen.

Go’aankii maxkammadda kolkii lagu dhawaaqay ayaan wareysi goobtaa kula yeelaney Ibraahim Aadan oo ah Romaria Aabbihii.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".