Calamadda EU iyo Iswiidhan
Arbaco 2009.05.20

CODKA Arbaco 2009.05.20

Barnaamijka maantana waxaad ku maqli doontaan:

Codeeyntii hordhaca aheyd ee doorashada ururka miodwga Yurub oo maanta dalka ka bilaabatay.

Baarlamanka dalkan Iswiidhen oo galabta la fileyo inuu qalinka ku duugo, sharci la xiriira in luuqadda iswiidhishku noqoto luuqadda qaranka, islamarkaana lagu adkeeyneyo meeqaanka shanta luqadood ee ey ku hadlaan bulshooyinka loo aqoonsan yahey in laga tiro badan yahey.

Habka ruuxu codkiisa u dhiiban karo, kolka uu dooneyo inuu ka qeyb qaato doorashada xubnaha baarlamanka ee ururka midowga Yurub.

Wasiirka difaaca ee dalkan Iswiidhen Sten Tolgfors oo rajo ka muujiyey in la kordhiyo xilliga ey ciidammadda badd ee EU-da kana howlgala carriga gacanka cadmeed, hase yeeshee gaashaanka ku dhuftay in ciidammada iswiidhishkana xilliga loo kordhiyo.

Kulan ka dhacay aqalka ummadda ee xaafadda Rinkeby loogana dooday burcad badeedda iyo ciidammada badda ee iswiidhishka ee howlgalka ka bilaabey 15-kii Maajo, gacanka cadmeed.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".