CODKA Arbaco 2009.05.27

Barnaamijka maantana waxaad ku maqli doontaan.

Isaias Afewerki, madaxweeynaha dalka Eriteria oo wareeysi markii ugu horreysey siiyay suxufi iswiidhish ah, kana jawaabey su’aalo la xiriira Dawit Isak.

Gabar sagaal iyo toban jir ah maanta oo hooyadeed ay soomaaliya u kaxeeysey kuna soo sameeysey gudniinka fircooniga ee hablaha, ayaa loo ogolaaday in la siiyo magdhow lacageed oo gaarsiisan 400 oo kun oo koronka iswiidhishka.

Ciidamadda Iswiidhen oo gacanta ku dhigay Burcad badeed.

Bannaan bax ey ka qeyb qaateen boqolaal ruux inta u dhaxeeysa Sergels Torg illa iyo Humlegården, middaasina oo la xiriirtay dilkii bishii oktoober ee sannadkii ina dhaafay loo geeystey marxuum Romaario.

Ololihii doorashada oo sii xoogeysanaya iyo heshiiska ururka shaqaalaha iyo shaqa bixiyeyaasha oo noqodey su’aal ballaaran.

Looltanka doorashada ee xisbiyada iyo su’aalaha ey kala qabaan iyo kuwa safka hore ugu jira ee ey qiimeeyaan, oo aan manta ku soo qaadan doono xisbiyada Mudaraat-ka iyo Centerka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista