Terrorhandling.

Ciidammada ammaanka ee Säpo oo wel wel ka muujiyey dhallinyaro ka feer dagaalameysa ururka Al-Shabaab.

Waxaa soo baxay caddeeymo sheegaya in dhallinyaro heysata dhalashada dalkan Iswiidhen, tiradooduna tobaneeyo kor u dhaafeyso ey ku sugan yihiin, kana qeyb qaadanayaan dagaallada argagixisada ee ururka Al-shabaab uu horkacayo.

Tiro u dhaxeeysa hal illaa iyo shan, kana mid ah dadyoowgaa ayaa ku naf waayey carrigaa, sida ey sheegtey Malena Rembe, ahna sarkaalad ka hoowlgasha ciidammada sirta ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan Säpo.

Melena Rembe, waxey sidoo kale sheegtey iney aad uga welwelsan yihiin tirada sii kordheeysa ee iswiidhshka, kana qeyb qaadaneysa dagaaladaa.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista