SKOLLAGEN

Xeerarka waxbarasho ee iskuulaadka

Iyadoo la diyaarinayey xeerar cusub ee la xiriira waxbaashada iskuulaadka tobbankii sannadood ee ugu dambeeyey, lana soo bandhigay markii ugu horreeysey sannadkii 2002, aaney waxba ka hirgelin, sidii wax looga bedeli lahaa.

Maanta isniinta ah, bishuna tahey 15-ka juun uu wasiirka tacliintu Jan Björklund soo bandhigi doono qoraal amuurtaa la xiriira, iminkana ey qaarkood soo shaac baxeen oo laga warhayo. 

Tusaale ahaan waxaan kuwaa u soo qaadan karnaa:

Iney abiil ka qaadan karaan waalidiintu, haddii iskuulku gaaro go’aan ka duwan middka waaldiintu doonayaan lana xiriira in caawinaad dheeriya la siiyo dhallaankooda.

Goobaha caafimaadka ee iskuulaadka oo masuuliyad dheeriya la saaray.

Cunnada dhallaanka laga siiyo iskuulaadka oo la amray iney leedahay nafaqo ku filan.

Inaan ardeyna laga fasixi karin xiisadaha qaarkood sida xiisadaha cayaaraha iyo baayoolojiga (barashada culuumta galmada).

In iskuulka ardey laga mamnuuci karo ugu badnaan halö toddobaad, waa haddii uu iskuulka ama habka ey waxbarashadu u socoto dhibaateeyo.

Sidaa oo ey tahey ayaa haddana, ayaannu qorshahan dawladdu wax jawaab ah ka bixineeyn amuurta iyadu la xiriirta in ardeydu abiil (dacwad) ka qaadan karto haddii aaney ku qanacsaneeyn natiijada imtixaankooda, iyo goorta ey bilaaban doonaan iskuulaadku ee xilliga gu’ga.

Arrimahaa ayaa lagu macneeyey in loo baahan yahey in baaritaanno dheeriya lagu sameeyo.