BILDT OM IRAN:

Go’aan aan wanaagsaneeyn in safiir looga yeerto Iiraan

Markii ugu horreeysey wixii ka dambeeysey doorashadii loogu tartamayey kursiga madaxweynenimo ee dalka Iiraan maalintii jimcadii ina dhaaftay ayuu ka faalooday Carl Bildt, wasiirka arrimmaha dibaddu xaaladda dalka Iiraan.

 - Waxaannu qaadanay dariiq cad ee amuurtaa ku wajahan si wada jir ah dhammaan waddammada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub, sida uu sheegey Carl Bildt, mar uu ka jawaabayey su’aal la xiriirtey in dawladda Iswiidhen aaney caddeeyn moowqifkeeda ku aadan Iiraan, iyo cadaadiska uu maamulka Iiiraan ku hayo mucaaradka.

Birgitta Olsson, oo ah xubin xisbiga baarlamanka uga mid ah xisbiga Shacabka ”Folk partiet”, aya soo jeedisey in dalkani ka faa’iideeysto suurtagalkan, una yeero danjiraha Iiraan u fadhiya Iswiidhen, sidoo kale waxaa isaguna daaqadda u furey fikirkaa Hans Linde, kana tirsan xisbiga Bidixda ee ”Vänstar”. Carl Bildt, oo fikirkaa ka jawaabayey, ayaa yiri:

- Waa fikir axmaqnimo, isagoona isticmaalay ereyga ”Dum”, isagoona raaciyey in dawladda Iswiidhen u baahan tahey safiirkeedu inuu carrigaa ku sugnaado si uu guur gal uga ahaado xaaladda Iiraan ka dhaceysa.