Terroriststämplad ska tala i Göteborg

Jahawareer diimedka soomaalida Göteborg

Xiisad intee la eg ayey dhalisay imaanshii Sheekh Xasaan?

Magaalada Göteborg  ayaa toddobaadkan horaantiisi jaaliyadaha soomaalida qaarkood ku dhaqan  halkaasi waxaa ay luguha la galeen jawahareer wejiyo badan leh  lana xirriirta wadaad lugu tuhmayo innuu xirriir la leeyihiin kooxaha Alshabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya uu soo gaaray magaaladaasi.

Wadaadkan oo lugu magacaabo Sheekh Xasaan Xuseen ayaa ka qeybgalay kulan diimeedka sanadlaha ahaa ee sanad walba lugu qabto magaalada Göteborg, halkaasoo urruraddaa Islaamka ee Iskaadaneefiyaanka uu ugu qabsoomo kulamo lugu wacyigelinayo soomaalida ku dhaqan dalalkaasi. Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey hey’ada la yiraahdo Föreningen Islamka Sunnicenter Trossamfund ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ISC.

Hase ahaatee amuurtan ayaa abuurtay wareer badan kadib markii qaar kamid ah soomaalida gobolkaasi ay dacwad ka dhan ah wadaadkaasi u gudbiyeen booliska gobolkaasi. Waxaana ay ku andacoodeen in Sheekh Xasaan  uu qudbado horey u jeediyey ku taageeray dagaalyahanada Alshabaab ee gudaha Soomaaliya ka dagaalama. Kooxahan ayaa ayaa sidoo kale sheegay iney qabanayaan banaanbaxyo ka dhan ah wadaadkaasi iyo halka uu qudbada ka jeedinayey ee ah masaajidka la yiraaho Masjidka Belevue.

Maalintii ugu horeysay ee kulankaasi fumray ayaa waxaa halkaasi ka hadlay mid kamid ah booliska gobolka, waxaana u sheegay ka qeybgalayaasha kulankaasi iney muhiim tahay in laga shaqeeyo nabada islamarkaasi wadashaqeyn dhexmarto. Sidoo kale waxaa iyana halkaasi hor dhoobnaa tirro suxufiyiin ah oo ka kala socday saxaafada maxaliga ah ee dalkan Iswidhan oo baryahan dhacdada amuurtan isha ku hayey.

Kooxaha Alshabaab ayaa ah maleeshiyo meleteri oo markoodi hore ka tirsanaan jiray ciidamadii maxaakimta Islaamiga ah,  ka hor intii aaney ciidmada Itoobiya dalka soo gelin, waxaana la aas aasay sanadkii 2006-kii. Ujeedada kooxdan ayaa ah iney guud ahaan ka hirgeliyaan dalka Soomaaliya ku dhaqanka Shareecadda Islaamka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sanadkii ina dhaafay waxaa ay ku dartay liiska kooxaha ay ugu yeerto argagaxisada. Wixii waqtigaasi ka dambeeyey dagaalo toos ah iyo qaraxyo laga fuliyey gudaha dalka ayey Alshabaab shaagteen mas’uuliyadeeda.

Ugu dambeyntii kulankan oo afar maalmood socday ayaa si nabadgalyo ah ku dhamaaday iyadoona ay meesha ka baxeen wararkii sheegayey in halkaasi ka dhici doonaan rabsho ka dhan ah wadaadkaasi iyo maamulka ku marti qaaday inuu ka qeybgalo kulankaasi.