USA ville se Pol Pot i Sverige

Pol Pot iyo maxkamad dalkan ka dhacda

Dalka Kamboojiya ayey horraantii sannadkan ka bilaabatey maxkammad lagu horkeenayo inta ka nool hogaamiyeyaashii xisbigii shuuciga ee lagu magacaabi jirey Kameerer, kuwaasina oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta xasuuq ay u geeysteen shacabweeynaha dalkaasi muddadii saddexda sannadood iyo barka aheyd ee ey talada dalka gacanta ku hayeen ee sannadihii todobaatameeyadii. Muddadaasina oo ey ku naf waayeen dad tiradooda lagu qiyaasay 1,7 malyuun oo ruux.

Qoraallo sir ah ee la helay ayaa lagu sheegey in dawladda Mareeykanku ay qorsheeneysey in hogaamiyihii dalka ee waagaasi Pol Pot maxkamad lagu hor keeno dalkan Iswiidhen muddadii uu noolaa. Balse ey dawladdii iswiidhen ee waagaasi gacanta ku laaday codsigaa uga yimid dawladda Mareeykanka.

Hogaamiyihii xisbiga shuuciga ee Kameerer-ka lagu magacaabi jirey, lana oran jirey Pol Pot ayaa geeriyoodey sannadkii 1998-dii.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista