Gotlands landshövding får sparken

Xil ka xayuubin

Gudoomiyaha gobolka Gotland Marianne Samuelsson, ayaa lumisey kalsoonidii dawladda, middaasina sababtey in jagadii laga xayuubiyo. Samuelsson ayaa maalintii salaasada waa shaleyto'e shaaca ka qaadey iney xilkii gudoomiyenimo ka dageeyso, kadib kulan laba maalmood socdey oo ey la yeelatey wasiirka degmooyinka Mats Odell.

Is casiliddan ayaa ka dambeeysey dood beryahanba ku saabsaneeyd in Marianne Samuelsson ey ku sheegtey fikir ah in si gaara loo xaq dhoowro mulkiileyaasha, middaasina loo macneeyn karo in aan shuruucda dalka loo sineeyn. Ereyadaasina oo si qarsoodi ah looga duubey. Xil ka xayuubintan lagu sameeyey gudoomiye ka mid ah gudoomiyeyaasha 21-ka gobol ee dalkani ka kooban yahey ayaan dhicin wixii ka dambeeyey bartamihii qarnigii 17-aad.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista