Tvångsutvisade irakier

Dad qasab loogu celiyey Ciraaq

Iyadoo ay jirto weli tacadiyada loo geysanayo dadka aan muslimiinta aheyn ee u dhashay wadanka Ciraaq, ayaa hadana dalkan Sweden waxaa jira shaqsiyaad u dhashay dalkaas gaar ahaan kuwooda aan muslimiitna aheyn oo dib loogu celiyey Ciraaq. Idaacada Ekot ayaa sii raacday 25 kamid ah Asiiriyiinta reer Ciraaq ee masiixiyiinta ah. Dhamaantoodna marka mid laga reebo ayaa gaaray dalkooda.

Qoyska Younàn, waxaa markii ugu horeysa dalkan yimaadeen 2005-tii, waxaana uu deganaayeen gobolka jönköping afar sanno ka hori ntaan dib loo celin. Haatan waxaa ay ku nool yihiin magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasoo ay ku sugayaan in hey'ada Qaramada Midoobey ay u diiwaan geliso qaxootinimo. Amiira Younán waxa ay sheegtay iney ku nool yihiin xaalad saboolnimo ah tan iyo markii laga soo musaafuriyey dalka Sweden, islamarkaasina aysan u muuqan mustaqbal soo iftiimaya.Gabadha ay dhashay ee la yiraahdo Mirna waxaa ay rajo ka qabtaa in markale ay Sweden ugu soo laaban doonaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista