DIPLOMATISKA ORDKRIGET MELLAN ISRAEL OCH SVERIGE TRAPPAS UPP

Dagaalkii diblamaasiyadda oo socda

Madaxa dawladda Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dawladda Iswiidhen ka dalbey iney dhaleeceeyaan maqaal isniintii lagu soo daabacey wargeeyska Aftonbladet, kaasina uu qorey suxufiga Donald Broström. Maqaalkana lagu sheegey iney dalka Israa’iil ka dhacdo fal xatooyo lagu sameeyo xubnaha bani’adamka.

Hase yeeshee ey dawladda Iswiidhen sheegtey in aaney ka laaban karin, waxna ka oran karin dastuurka dalka ee xoriyadda hadalka. Wasiir ka tirsan dawladda Netanyahu ayaa sheegey in amuurtaa ey halis gelin doonto booqashada uu Carl Bildt, wasiirka arrimmaha dibadda qorsheeysaneyo inuu ku tago Israa’iil horraanta bisha foodda innagu soo heeysa ee septeembar.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".