REGERINGSFÖRKLARINGEN

Xafladdii furitaanka baarlamanka

Maalintii salaasada ee shaleeyto taariikhduna aheeyd 15-ka bishan eynu ku jirno ee septeembar uu kulan ka dhacey xarunta baarlamanka ee dalkan Iswiidhen, kuna taala xaafadda Gamla Stan, ey isugu yimaadeen dhammaan mudaneyaasha baarlamanka, marti sharaf lagu casumey halkaasi iyo reer boqor oo uu hor kacayey boqorka dalka Carl-kii 16-aad Gustaf, afadiisa iyo gabadha leh dhaxaltooyada boqortooyada.

Af-hayeenka baarlamanka ayaa ku soo dhoweeyey markii ugu horreeysey boqorka inuu sida caadaduba tahey la hadlo mudanayaasha baarlamanka xarrigana uga jaro sannado-hoowleedkooda ee 2009/2010.

Carl Gustf-ka 16-aad ayaa ereyadiisii ey ka mid ahaayeen talooyin la xiriirey iney mudanayaashu qabtaan hoowlo ey u aayaan berito jiilalka ka dambeeya, isagoona sidoo kale sheegey in sannadkan ey ka soo wareegtey 200-guuradii kolkii Ruushku ka xayuubsadey dalkan Iswiidhen dalka Finland oo ey mideeysnaayeen. Sidoo kale iney sannadka foodda innagu soo haya ey ka soo wareegtey 200 oo sannadood kolkii la caleema saarey boqorkii John Martis Bernadotte ee uu baoqorkani ka soo jeedo. Intaa wuxuu kaloo boqorku raaciyey in isla sannadkaa 2010 uu noqon doono mid la xasuus reeba, qaasatan xasuus ku reeba reer boqor, maadaama ey aqalgeli doonto gabadhiisa, ahna gabadha iska leh dhaxalka boqortooyada.

Furitaankii baarlamanka ee boqorka kadib ayaa mikrafoonka uu la wareegey Fredrik Reinfeldt, ahna madaxa dawladda isagoona soo bandhigey siyaasadda dawladda ee gudaha iyo dibaddaba.

Reinfeld, ayaa xoogga saarey xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahey, isagoona sheegey in lagu jiro gabagabadii dhaqaalaha cakiran ee caalamka la soo gudboonaadey.

- Dhaqaalaha caalamka iyo ka dalkan iswiidhenba waxaa ka soo muuqdey xasilooni. Kharashka sannadka 2010, waxaan ku qiyaaseeynaa inuu ka yaraan doono 15 milyaard, dakhliguna ka badan doono 27 milyaard oo koronka iswiidhishka. Sidaa daraadeed ayaan u dardargelin doonaa hoowlaha waxqabashada deg-degga, islamarkaana aan u kobcin doonaa miisaaniyadda dalka, sida uu sheegey Reinfeldt. Madaxa dawladda ayaa sidoo kale sheegey iney dawladdiisu muhiimadda ugu weeyn saari doonto dhanka suuqa shaqada iyo sidii wax looga qaban lahaa, iyo iney dawladdiisu dhinacyo badan isugu dayi doono dhimista cashuuraha. Iyadoona la soo bandhigey cashuurta oo laga dhimi doono sida ku cad miisaaniyadda foodda innagu soo heeysa dadyoowga gaarey da’dii howlgabka.

Xaaladda cimilada, ciidamadda dalkan kaga sugan dalka Afgaanistaan iyo sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa bariga dhexe, ayaa ka mid ahaa ammuurihii uu carrabka ku dhuftey Fredrik Reinfeldt, lana xiriirey siyaasadda arrimmaha dibadda ee dalka.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Socialdemokrat-ka Mona Sahlin, ayaa Qudbadda Reinfeldt dabadeed sheegtey iney aheeyd mid waaqiciga aad uga dheer. Waxeyna tiri: 

- Madaxa dawladdu wuxuu u ekaa shakhsi qanacsan, sidoo kale wuxuu u hadley sidii in aaneyba jirin dadyoow aad u fara badan ee ka faquuqan islamarkaana dibadda ka jooga suuqa shaqada. Mar wax laga weeydiiyey sida ey Mona Sahlin jeclaan laheyd inuu Reinfeldt u hadlana waxey tiri:

- Waxaan jeclaan lahaa inuu yiraahdo sedan: Si dhab ah ayaan uga shaleeyneyaa in siyaasaddu tahey in cashuurta laga dhimo dadyoowga shaqada heeysta, waxey aheeyd mid qaldan.

Waxaan hadda ka shaleeyneyaa in aan siyaasadda wax ka badaley. Hadda waxaannu u baahanahey in dhaqaale gellino suuqa shaqada, tan hab-nololwanaagga bulshada, cimilada, iyo in dadkayaga shaqada heeysta ey culeeyska badankii dusha u ritaan. Mona Sahlin.