EUtoppmötet

Kulanka madaxda ururka EU-da

Habeennimadii Jimcada sabtiduna soo galeeyse ayey kulan aan caadi aheeyn oo eey yeeshee hogaamiyeyaasha 27-ka dal ee ku midoobey ururka midowga Yurub ey isku raaceen xeerar lagu hageyo gunnooyinka aan xadla laheeyn ee ey qaataan ama la siiyo madaxda heeyadaha dhaqaalaha.

Hogaamiyeyaasha 27-ka dal ee EU-du waxey sidoo kale isku raaceen iney farriin u dhiibaan madaxa kaltanka hogaanka ee hadda Fredrik Reinfeldt, si uu farriintaa uga socodsiiyo kulanka ey toddobaadka foodda innagu soo haya yeelan doonaan madaxda 20-ka dal ee ugu qanisan caalamka, waxa loo yaqaan G 20. Madaxa dwladda Iswiidhen, ahna gudoomiyaha kaltanka hogaanka EU-da ayaa kulankaa kadib shir jaraa’id uu qabtey ku sheegey iney dhammaatey xaaladdii gunnooyinka aan xadka laheeyn ee la bixin jirey.