G20-LÄNDERNA VILL HA REGLER MOT BONUSAR

Ururka G20 oo go’aan laga dhoowrayo

Kulanka uga socda dalka Mareeykanka labaatanka dal ee caalamka ugu qanisan ayaa heshiis ku gaarey in la xeereeyo gunnooyinka xad dhaafka ah ee la siiyo madaxda bangiyada, sida ku cad war laga soo xigtey heyadda wararka ee AFP.

Middaasina oo ah amuur uu madaxa dawladda ee dalkan Iswiidhen, islamarkaana ah hogaamiyaha kaltanka ururka Midowga Yurub Fredrik Reinfeldt horey u soo jeediyey.

Marka laga hadlayo kulanka uga socda dalka Mareeykanka madaxda labaatanka ururka G20, ayey Reinfledt iyo hogaamiyaha maamulka ururka EU-da Barroso ku kala fikrad duwan yihiin, kaalinta uu ururkaasi ku yeelan karo horumarka dhaqaale ee caalamka.