Foto: Britta Pedersen/Scanpix.
Branden i Rinkeby

Nal ayaa sabab u ahaa dabkii Rinkeby

Baaris lagu sameeyey dabkii ka dhacay xaafadda Rinkeby,ee magaaladda Stockholm 25-kii bishii luulyo 2009-ka , ayna ku geeriyoodeen qoys soomaaliyeed oo ka koobnaa hooyo iyo shan caruur ah oo ay dhashey iyo waliba gabar qoyskaas la joogtey, ayaa baaris lagu sameeyey waxaa lagu ogaadey in dabkaasi uu ka dhashey nal ka mid ah nalalkii gurigaas ku jirey,sidaas waxaa qorey wargeeyska maalinlaha ah ee DN,cadadkiisii soo baxay 19 oktoobar 2009-ka.

Peter Claeson oo isagu dabkaas danbibaare ka ahaa,ayaa cadeeyey in ay soo gabagabeeyeen baaris ay ku sameeyeen sababtii dabkaas dhalisey,taas oo lagu ogaadey in dabkaas uu sabab u ahaa nal.

Danbibaare Peter Claeson ,wuxuu kaloo intaas ku darey in dabku ka bilawdey nal ku xirnaa qol yar oo guriga ka mid ahaa ,ka dibna guriga oo dhan uu dabkaasi ku fidey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".