Miljöpartiet och riksdagsvalet 2010

Xisbiga Cagaaran iyo doorashada 2010-ka

Xisbiga cagaaran ee Miljöpartietpartiet ayaa soo bandhigey qorshahiisa doorasho ee uu rabo in uu ugu tartamo doorashada sanadka soo socda ee 2010-ka dalkaan ka dhici doonta iyo waxyaalaha uu rabo in uu awoodda saaro.

Xisbigaan oo kulan sanadeedkiisii ku qabsadey magaaladda Örebro, wuxuu si cad ugu gacanseeyrey  in wax wadasheyn siyaasadeed ahi ay dhexmarto iyaga iyo xisbiyadda garabka middig ee iyagu hadda taladda dalkaan haya.Arrintaani waxay ka danbeeysey markii raysalwasaaraha dalkaan Fredrik Reinfelt  sheegey in uu jeclaan lahaa in ay wadashaqeeyn siyaasadeed yeeshaan dhankooda iyo xisbigga cagaarani, haddii xisbiyadda bidixda oo xisbigaan  xulufadda la ahi  ku guuleeysan waayaan doorashadda soo socota oo iyadu dalkaan ka dhici doonta  sanadka 2010-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".