Ra'iisal wasaaraha dalkan Sweden Fredrik Reinfeldt
Toppmöte i Bryssel

Kulanka hogaamiyeyaasha EU-da

Maanta oo khamiis ah  bisha Oktooberna ey 29 tahay waxaa magaalada Brugsel ee caasimadda dalka Beljimka uga furmi doonaa kulan hogaamiyeyaasha 27-ka dal ee ku midoobey ururka midowga Yurub. Kulankaasna waxaa  hogaamin doono markii ugu horreeysey madaxa dawladda  dalkan Iswiidhen oo isagu haya kaltanka hogaanka ururka Midowga Yurub.
Su'aalaha ugu waaweeyn ee kulankaa looga doodi doono waxaa ka mid ah siyaasad uu ururku ku mideeysan yahey oo ku aadan kulanka cimilada ee ka dhici doona dhammaadka sannadkaan magaalada Kopenheegan iyo sidoo ciddii loo magacaabi lahaa kursiga hogaanka EU-da, mararka qaarkoodna lagu magacaabo ciddii madaxweeyne u noqon laheeyd ururka, kadib kolka uu hirgalo xeerka cusub ee la damacsan yahey in ururku lagu dhaqo, iyo sidoo kale in laga wada arrinsado shuruudaha uu dalka Chek-gu hor dhigey ururka sideey xeerkaa ku ansixin lahaayeen. Illaa iyo haddanna waa dalka keliya oo aan weli madaxweeynahoodu uusan qalinka ku duugin.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".