Madaxa dawladda ee dalka Jecka Jan Fischer iyo madaxa dawladda Iswiidhen Fredrik Reinfeldt oo afkaar is dhaafsanaya. Foto: Thierrry Charlier/Scanpix.
Tjeckien får undantag från EU-fördraget

Dawladda Jecka iyo ururka EU

Kulankii uga socdey magaalada Brugsel hogaamiyeyaasha 27-ka dal ee ku midoobey ururka midowga Yurub, ayaa lagu go’aansadey in dawladda Jecka loo ogolaado shuruudihii ey ku xirtey siduu madaxweeynuhu qalinka ugu duugi lahaa dastuurka cusub ee ururka EU-du damacsan yahey in lagu dhaqo ururka.

Madaxa dawladda ee dalkan Iswiidhen Fredrik Reinfeldt, hayana kaltanka hogaanka ururka Miodwga Yurub, ayey maanta oo Jimca ah horyaalaan hogaanminta wadahaddallo adag ee la xiriira sidii ey madaxda 27-ka dal ee xubnaha ka ah ururka uga arrinsan lahaayeen, ugana yeelan lahaayeen fikir mideeysan ee la xiriira kulanka caalamiga ah ee cimilada kana dhici doona magaalada Kopenheegan ee caasimadda dalka Danmark bisha Diseember ee dhammaadka sannadkan 2009.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".