Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Fotboll, Allsvenskan

AIK iyo horyaalka Iswiidhan

La daabacay måndag 2 november 2009 kl 12.01

Taageerayaasha kooxda AIK ee kubadda cagta, oo laga leeyahay magaaladda Stockholm ayaa wali u dabaaldagaya guushii eey kooxdaasi soo hooysey ka dib markii ay si xarago leh ugu guuleeysatey horyaalka koobka isreebreebka kooxaha dalkaan Iswiidhan ee sanadkan2009-ka kaas oo loo yaqaano Allsvenskan, waxayna ka guuleeysatey kooxda IFK Göteborg.

Cayaartaas ayaa maalintii axadda waxay ka dhacdey garoonka qadiimiga ah ee loo yaqaano Ullevi Stadium kuna yaala magaaladda Göteborg.

Kooxda IFK Göteborg oo iyada gurigeeda lagu cayaarayey ayaa hal gool iyo eber ku hogaamineeysey cayaarta qaybteedii hore,lakiin kooxda AIK ayaan iyadu isdhiibin waxayna si xarago leh u dhaliyeen laba gool oo isxiga, cayaartiina waxay ku dhamaatey 2-1,halkaasna waxay guushii ku raacdey kooxda AIK.

Waa markii ugu horeeysey tan iyo sanadkii 1998-dii ,oo ay kooxdaan AIK ku guuleeysato koobkan horyaalka kooxaha ee dalkaan Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".