Reinfeldt pratade klimat med Obama

Kulankii Cimilada oo gaarey Aqalka Cad

Ra'iisal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt oo kulan la yeeshay maalintii isniinta madexqweynaha maraykanka Barack Obama, kulankaas oo ku qabsoomay Aqalka Cad ayna uga wada hadleen horumarinta cimilada.

Kulankaan ka dhacey magaalada Washington ayuu madexqweyne Obama, sii adkeeyey ballan qaadyadiisii ahaa in dalkiisu dhimi doono wasakhda hawada, dhinaca kalana wuxuu aad ugu mahad celiyey ra'iisal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt oo uu u sheegay in uu aad ula dhacsan yahay qaabka uu u hayo hogaanka arimaha cimilada.

Reinfeldt, ayaa ka dhawaajiyey inuu kalsooni buuxda ku qabo siyaasadda Barack ee ku beegan cimilada.

Kulankaa ayeey labada hogaamiye kaga wada hadleen xaaladda guracan ee ka taagan dalka afgaanistan. Dhinaca kalena Madaxdu waxeey ku balameen ineey dib isku arki doonaan habeenimadda talaadada waqtiga dalkaan Iswiidhan, xilgaas oo uu Reinfeldt matalayo ama huwan yahay madaxa kaltanka ururka midowga Yurub. Meesha uu kulankaan ku matelayey madaxa dawladda ee dalkaan Iswiidhen. Kulanka dhaci doona habeenka talaadda, waxaa ku wehelinaya Ra'iisal wasaaraha dalkan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt Madaxwaynaha guddiga guddigga midowga Yurub José Manuel Barroso.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista