Geeriddii saddexaad ee hargabka doofaarka
Ytterligare ett dödsfall i svininfluensa har konstaterats - denna gång i Örebro län.

Geeriddii saddexaad ee hargabka doofaarka

Inkasta oo hey'ado badan oo muhiimad u leh hab-socodka nolosha bulshada ay isku dayeen ineey illaaliyaan ama ka hortaggaan faafinta iyo dhimashadda cudurka hargabka doofaarka (hargabka cusub),hadana waxaa sii kordheeysa dhimashadda uu cudurkaani horseedo. Dalkaan Iswiidhan ayeey mareeysaa geerda cudurkaasi qofkii sadexaad.

Maantey ayaana la xaqiijiyey inuu u geeriyoodey cudurka hargabka doofaarka nin da'diisu tahay 48  jir magaalada Örebro. Waxaana xaqiijiyey geerida ninkaas iyo saameeynta ay la leedahay hargabka doofaarka (hargabka cusub),Mats Björeman oo ah macalin talooyin ka bixiya daawooyinka Jaamacadda Örebro (medicinsk rådgivare på universitetssjukhuset i Örebro).

Ninkaani wuxuu buuxinayaa tiradii sadaxaad ee uu galaafto cudurka hargabka doofaarka (hargabka cusub).

Laanta waraka ee Ekot, ayaa shaacisay in wiil yari u geeryooday axadii, kaas oo lagu tuhunsan yahay in uu cudurkaas u dhintey, balse aan wali la xaqiijin arinkaas.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".