Vita huset och Reinfeldt

Reinfeldt oo Obama la kulmey

Ray'iisal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt ayaa laba jeer isla usbuucaan kulan kula yeeshey Aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareeykanka Madaxweyne Barak Obama.

Kulamadaas oo kan hore ay labada hogaamiye diiradda ku saareen xiriirka labada dal ee Iswiidhan iyo Mareeykanka, meesha kulanka labaad lagu lafagurey xiriirka u dhexeeya dalalka midowga yurub iyo dalka Mareeykanka.

Reinfeldt waxaa kulanka danbe ku weheliyey madaxweynaha guddiga midowga Yurub Jose Manuel Borroso.

Dhageeyso

Kulankaas ayuu madaxweynaha mareeykanku sii adkeeyey balanqaadkiisii ahaa in dalkiisu dhimmi doono wasakhda hawada,wuxuu kaloo goobtaas ugu mahadceliyey Ra'iisal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Reinfeldt oo uu sheegey in uu aad ula dhacsan yahay sida isaga iyo dalka Iswiidhanba ay hormoodka uga yihiin arrimaha la xiriira cimilada.

Shir jaraa'id oo ay hogaamiyayaashu qabteen ayey ku caddeeyeen in ay ka wada shaqeeyn doonaan sidii ay boqolkiiba konton u dhimmi lahaayeen wasakhda hawada lagu sii daayo ilaa iyo inta laga gaarayo sanadka 2050-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista