Sveries ny förbundskapten

Xulka Iswiidhan iyo tababare cusub

Erik Hamren oo isagu u dhashey dalka Norwey ayaa loo magacaabey in uu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka dalkaan Iswiidhan kaas oo badali doona Lars Lagerbäck oo isagu hawshaas ka fariistey ka dib markii uu ku fashilmay in kooxdiisu ka mid noqoto dalalka u tartamaya koobka addunka ee kubadda cagta kaas oo ka dhici doona dalka koonfurta afrika sanadka soo socda ee 2010-ka.

Tababarahan cusubi waa 52 jir ,wuxuuna tababare dalka Noorweey uga yahay kooxda Rosenborg, aadna waxaa loogu ammaaney in uu yahay nin aad u daggan islamarkaasna khibrad balaaran u leh xirfaddiisa tababarnimo.

Erik Hamren wuxuu ilaa iyo bisha september ee 2010-ka tababare u wada ahaan doonaa xulka qaranka Iswiidhan iyo kooxda Rosenborg ee dalka Norwey, xiligaas ka dibse wuxuu u gacan banaanaan doonaa tababarka kooxda Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista