Den första gasen ska levereras från ryska Viborg till tyska Greifswald 2011. Foto: Jens Meyer/Scanpix.
Nord stream

Mucaaradka iyo dhuumaha gaaska

Xisbiyada mucaaradka dalkaan Iswiidhan ayaa aad uga horyimid go'aanka ay dawladda Iswiidhan ugu ogolaatey shirkadda Nord Stream in ay dhigto dhuumo iyagu gaas ka soo qaada dalka ruushka lana soo marsiiyo xuduudka badda dalkaan Iswiidhan uu ku leeyahay badda baaltiga.

Gaaskaani wuxuu ka imaan doonaa dalka Ruushka,kaas oo la rabo in loo gudbiyo dalka Jarmalka iyo waliba dalal kale oo qaaraddan yurub ka tirsan.

Dhuumahaani waxay qaadi doonaan sanad walba gaas dhan 55 bilyan oo kiyuubik mitir,waxaana la qorsheeynayaa in mashruucaani hirgalo sanadka 2011-ka.

Mona Sahlin oo iyadu ah hogaamiyaha xisbiga sooshalka ayaa sheegtey in ay aad uga xumaatey ogolaanshaha ay dawladdu mashruucaas ku aqbashey.

Dhammaan saddexda xisbi oo mucaadka ah ayaa canbaareeyey qorshahaan ,iyagoo ku tilmaamey in uu yahay arrin khatarteeda leh goob xasaas ahna dhuumahaas la soo marsiinayo.

Dhanka kale waxay Mona Sahlin caddeeysey in mashruuca dhuumahaas gaaska qaadaya aysan baabi'in doonin haddii ay xisbiyadda mucaradku ku guuleeystaan doorashada dalkaan ka dhici doonta sanadka 2010-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".