Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Flyktingar och spionage

Qaxooti la bassaaso

La daabacay tisdag 10 november 2009 kl 09.00

Dalka Shiinaha ayaa sanado badan bassaasayey dadka iyagu mucaaradka dalkaas ku ah ee ku nool  Iswiidhan,sidaasna waxaa sheegtey hay'adda sirdoonka dalkaan ee loo yaqaano (Säpo),sida uu qorey wargeeyska DN ee maalinlaha ah.

Laga soo bilaabo sanadkii 2002-dii,waxaa dalkaan Iswiidhan sanad walba laga masaafurinayey hal qof oo ka tirsan diblomaasiyiinta ajnabiga ah ee dalkaan jooga,arrintaas  oo la xiriirta iyaga oo  ku hawlanaa bassaasnimo sharci darro ah oo ay dalkaan Iswiidhan ka dhex-fulinayeen.

Qiyaastii inta u dhaxeeysa toban ilaa iyo labaatan dal, ayaa iyagu bassaasa qaxootiga dalkaan ku nool.Waxayna badanaa dalalkaasi bassaasaan qaxootiga iyagu dalalkooda ka yimid.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".