Galten är en är min-och splitterskyddad personbil
Svenskar skadades i Afganistan

Askar dhaawacantey

shan ka mid ah ciidamadda dalkaan Iswiidhan ka jooga dalka Afqaanistaan ayaa dhaawacmey ka dib markii gaari ay saarnaayeen ay ku qaraxdey miino wadada loo dhigey kaas oo marayey meel woqooyiga dalkaas ah.

Waxaa kaloo isla goobtaas ku dhintey turjubaan reer afqaanistaan ah oo isagu askartaas Iswiidhishka ah la socdey.

Idaacadda Iswiidhan laanteeda wararka ee Ekot ayaa waxay soo warisey maanta oo jimce ah bishuna tahay 13-ka november ,in laba ka mid ah askartii dhaawacantey ay xaaladooda caafimaad liidato oo ay ka soo dareen caafimaad ahaan.

Askari ka mid ah askartaas dhaawacantey ayaa la keeney maalintii jimcaha Isbitaalka Akadamiga ah oo ku yaala magaaladda  Uppsala.

Waxaana keentey halkaas diyaarad gaar ah oo iyadu sidey askarigaas dhaawacmey.

Sida uu sheegey afhayeenka ciidamadda Iswiidhishka ee Dalka afqaanistaan ku sugan Henrik Klingberg,askartaas midkood wuxuu ka dhaawacmey gacan,mid kalana lug , mid saddexaadna waxaa dhaawac ka soo gaarey dhabarka,waxaana dhammaantood lagu daaweynayaa isbitaal ciidan oo ku yaala meel wax yar u jirta magaaladda Massar Al-shariif oo ku taala woqooyiga dalka Afqaanistaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".