Belgrads stad har flyttat alla romer till containerläger långt från stan
Romer vägras asyl

Roomerka oo sharciga loo diido

Dadka Roomerka oo iyagu ka yimid dalka Kosovo,magangalyo doonna dalkaan Iswiidhan weeydiistey ayaa dalkaani aad ugu adkeeyey in uu siiyo sharci magangalyo oo ay halkaan  ku dagi karaan .

Mid ka mid ah tobankii qof oo roomar ah ee dalkaan Iswiidhan magangalyo weeydiista,ayaa sharci ka hela dalkaan meesha sagaalka kale loo diido,taas oo ah mid aad uga duwan sidii xaalku ahaa dhowr sano ka hor.

Hay'adda socdaalka dalkaan Iswiidhan "migrationverket" ayaa badashey sidii ay markii hore ula dhaqmi jirtey dadka Roomerka ah oo magangalyo doonka dalkaan weeydiista.

Roomarka dalkaan sharciga looga diido badankooda waa la masaafuriyaa ,waxaana loo masaafuriyaa meel aan aheeyn goobihii iyo dalkii ay markii hore ka yimaadeen balse waxaa la geeyaa wadan saddexaad .

Dalkaas saddexaad oo badanaa dadkaas loo masaafuriyo ayaa ah dalka Seerbiya,kaas oo aysan ka helin waxyaalaha aasaas u noqon kara si ay halkaas nolol cusub uga bilaabaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".