Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Romariodom

Wiil 19 jir ah oo la xukumey

La daabacay fredag 13 november 2009 kl 12.49

Wiil 19 jir ah oo isagu ku eedeeysnaa in uu ka qeeyb qaatey dilkii loo geeystey marxuum soomaaliyeed oo la oran jirey Axmad Ibraahim Cali kuna magacdheeraa Roomaariyo,ayey maxkammadda racfaanka ee Svea ku xukuntey toddoba sano oo xarig ah.

Wiilkaan ayey mar hore sii deeysey maxkamad dagmo oo la horkeeney, waliba isagoo markaas qirtey in uu isagu ahaa kan ka danbeeyey dilkii marxuum Roomaariyo oo middi lagu diley,inkastoo uu markii danbe ka noqdey qirashadaas uu qirtey danbigaas.

Wiilkaan 19 jirka ah oo ay maxkamaddu xukuntey ayaa lagu soo oogey in uu sameeyey danbi dil iyo isku day dil ah ,waxayna maxkamaddu sheegtey in uu xaq u lahaa in 14 sano oo xarig ah lagu xukumo danbiga uu galey baaxaddiisa awgeed laakiin da'diisa oo yar awgeed taas badalkeeda lagu xukumey 7 sano oo xarig ah .

Maxkamaddu waxay dhanka kale sii deeysey laba wiil oo midkood 17 jir yahay, kan kalana 20 jir ka dib markii danbigaasi ku caddaan waayey.

Qareenka u dooda wiilkaan la xukumey ,ayaa sheegey in xukunkaas maxkamaddu, uu yahay mid qaldan ayna hadda ka fiirsanayaan in ay codsadaan in maxkamadda sare ay arrinta wiilkaan dib u eegto.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".