FLER KOMMUNER SKA TA EMOT FLYKTINGBARN

Dhallaanka kelinimada dalka ku yimaada

Si loo xalliyo xaaladda cakiran ee heeysata dhallaanka kelinimada dalkan ku yimaada ee magangelyo doonka iyagoo aaney la socon waalidiintii dhashey, ayaa loo arkaa in loo baahan yahey sidii lagu kordhin lahaa degmooyinka qaata ee hooyga siiya dhallaankaa.

Ilmaha aan qaangaarin ee magangelyada dalkan u yimaada ayaa marka ugu horreeysa la dejiyaa si ku meel gaar ah afar degmo ee ka tirsan 290-ka degmo ee dalku ka kooban yahey, kuwaasina oo kala ah Istockholm, Solna, Mölndal iyo degmada Malmö inta ey degmo kale u qaadaneeyso si ey u helaan hooy joogto ah. Heyaddaha ey ammuurtaasi quseeyso ayaa ku talo jira in la gaarsiiyo toban degmo sannadka foodda innagu soo haya degmooyinka qaabila dhallaanka kolka ey dalka yimaadaan, halka ey iminka afar degmo ka yihiin.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".