Wasiirka EU-da ee Iswiidhen Cecilia Malmström oo loo magacaabey jago cusub.
Malmström föreslås bli kommissionär

Malmström oo jago loo magacaabey

Wasiirkii EU-da ee dalkan Iswiidhen Cecilia Malmström, ayaa loo magacaabey xubinta dalkan Iswiidhen u matali doonta heyadda sare ee maamulka ururka midowga.

Malmström waxey aheeyd xubin ka tirsan xisbiga Shacabka ee Folkpartiet uga tirsaneeyd dawladda ey ku mideeysan yihiin afarta xisbi ee ku bahoobey maamulka dalka, sida uu shaaca ka qaadey madaxa dawladda ee dalkan Iswiidhen Fredrik Reinfieldt oo shirjaraa’id ku qabtey dhismaha dawladda.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".