Herman Van Rompuy ,madaxweynaha cusub ee ururka middawga yurub (biddix) iyo Catherine Ashton ,wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ururka middawga yurub
EU:s nya toppledare

Yurub oo madax cusub dooratey

Madaxweynayaasha iyo Ra'isal wasaarayaasha 27-ka dal ee ku midoobey ururka middawga yurub,ayaa habeenkii xalay ee uu jimcuhu soo galayey kulan ay yeesheen oo ka dhacay magaaladda Buruksalis ee carriga Biljimka ,waxay  ku doorteen Maxweeyne cusub oo uu ururka midawga yurub yeesho ,jagadaasna waxaa loo doortey Herman Van Rompuy.

Waxay kaloo madaxddu isla goobtaas ku doorteen Catherine Ashton in ay noqoto wasiirka cusub ee arrimaha dibadda u qaabilsanaan doonta ururka midawga yurub,inkastoo magacaabista haweeneydaas uu dhaqan galeyo ka dib marka ay ansixiyaan xubnaha golaha baarlamaanka yurub.

Madaxweeynahaan cusub ee ururka midawga yurub loo magacaabey Herman Van Rompuy, wuxuu ku dhashey dalka Biljimka wuxuuna ahaa ray'isal wasaaraha dalkaas.

Wasiiraddaan cusub ee arrimaha dibaddu Catherine Ashton waxay iyaduna u dhalatey dalka boqortooyadda Biritishka

waxayna aheeyd siyaasiyad intii muddo ah dalkaas u mataleeysey ururka middawga yurub,waxayna dhalatey sanadkii 1956-dii ,waxayna xubin firfircoon ka aheeyd xisbiga shaqaalaha ee carriga boqortooyadda Biritishka.

Madaxweeynahaan cusub oo isagu dhashey sanadkii 1947-dii wuxuu hawshiisa bilaabi doonaa horraanta sannadka foodda innagu soo haya.

Ray'isal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Fredrik Rienfeldt oo isagu guddoominayey shirkaas muhiimka ah ,ayaa sheegey in doorashadaasi u dhacdey si hufan ,ayna hogaamiyayaashu isku raaceen doorashadda madaxdaas,qaybahooda laka duwan ee midig iyo bidixna ay meel dhexe isugu yimaadeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista