Bakläxa för partiledningen

Talo lagu diidey hogaanka xisbiga Fp

Xisbiga shacabka ee Folkpartiet ayaa maalintii axadda aheeyd soo gabagabeeyey shir sanadeedkoodii ay ku yeesheen magaaladda Växjö,waxaana madaxda xisbigaas dharbaaxo ka qabsatey talo soo jeedin ay shirweeynaha soo bandhigeen oo aheeyd in soo galootiga wadankaan Iswiidhan ka dalbanaya dhalashadda lagu xiro oo khasab looga dhigo waxa ay ugu yeereen koorsada wadaninimadda "medborgarkurs för invandrare",laakiin waxaa arrintaas cod ku diidey ergooyinkii shirkaas ka soo qeeybgaley.

Jan Björklund oo isagu ah hogaamiyaha xisbigaas ayaan dhib u arag in talo hogaanka xisbigu soo jeediyey cod lagu diido ,laakiin dhanka kale wasiirka isdhexgalka Nyamko Sabuni ayaa aad uga carootey codeeyntaas  .

Sabuni ayaa sheegtey in ay rumeeysan tahay in ergooyinka xisbiga shacabku ,ka baqeen in xisbigooda lagu masalo ama la barbardhigo kan xagjirka garabka middig ah ee "Sverigedemokraterna".

Xisbigu wuxuu kaloo shirweeynihiisa uga doodey arrimo kale oo badan,kuwaas oo u dhacay sidii hogaanka xisbigaasi rabey.

Waxyaalaha kale oo ay ergooyinka xisbigu ka doodeen waxaa ka mid ahaa warshadaha korontadda ka dhaliya quwadda nukliyarka ,siyaasadaha shaqada iyo shaqo la'aanta.

Hogaamiyaha xisbigaas Jan Björklund ayaa gabagabaddii shirkaas u mahad celiyey dhammaan ergooyinkii shirkaas ka soo qeeyb galey,goobtiina kaga dhawaaqey in shirkaasi xiran yahay.