Vanvårdade grisar äter upp varandra

Xannaanada Khaansiirka

Sida ey warbixin ku heshey heyadda wararka ee laanta Ekot, in laga deeyriyey goobo ka mid ah goobaha lagu dhaqo xoolaha Khaansiirka, warbixintasina laga ogaadey ururka isutagga ee u dooda xuquuqda xoolaha nool ee loo yaqaano Djurrättsalliansen.

Xarrumaha baaritaanka lagu sameeyey waxaa mid ah mid uu mulki u lehyahey Lars Hultström, madaxa ururka hilibleeyda Swedish Meat, islamarkaana xubin ka ah maamulka HK Scan iyo hoowlaha caafimaadka xoolaha ee dalkan Iswiidhen.

Xerada xoolaha ee Lars Hultström, ayaa baaritaankii lagu arkey Khaansiir dhintey oo ey Khaansiiradii kale cunayaan. Xoolahaa oo ku jirey goob aad u wasakheeysan oo ciriiriya. Amuurtaana laga soo duubey filim.

Sarkaalka magaciisa la yiraahdo Johan Beck Friis, kana mid ah ururka culuumta daawada ee xoolaha nool, wuxuu aad uga dhiidhiyey filimkaa, isagoona sheegey in sharci burin uu falkaasi yahey.