Meeys tallaali doontaa?. Su'aalo dad a weeydiiyey.
INFLUENSASJUK FLYTTAD TILL KS

Hargabka Doofaarka

Nin 30 jir ah oo laga soo bilaabo toddobaadkii ina dhaafey lagu xanaaneeynayey isbitalka Västervik, lagalana tacaalayey waxa loo yaqaano hargabka doofaarka ama hargabka cusub, ayaa maanta loo soo wareejiyey machadka isbitalka weeyn ee ku yaala xaafadda Solna ee Karolinska, sida ku qorreeyd warsaxaafadeed laga sii daayey maamulka isbitaalka. Ninkan ayey dhakhaatiirtu go’aan ku gaareen inuu helo qalab ka caawiya neefsashada, islamarkaana dhiigga gaarsiiya Ogsijiinka uu u baahan yahey waxa loo yaqaano (Ecomobehandling).

Tafaasiil dheeriya oo soomaali ku qoran ka daalaco boggan.

30 jirkan ayaa arbacadii ina dhaaftey isbitalka Västervik u raadsadey daryeel caafimaad, isagoona ka cabanayey qandho aad u sarreeysa iyo neefsashada oo ku adkeeyd. Sida warsaxaafadeedka ku caddeeydna kama aannu mid aheeyn dadyoowga looga cabsida qabey waxyeelada hargabka doofaarka. Waa dadyoowga qaba cudurrada aan daawada laheeyn. Isbitalka jaamicadda ee Karolinska ayaa horey u qaabiley bukaan socod, si loogala tacaalo, waa sida ku caddeeyd wargeeys ka soo baxa magaalada Båros boggooda internetka. Sidoo kale shakhsi saddexaad oo ah nin soddomeeyo sannadood wax yar kor u dhaafey  ayaa isagana la dhigey isbitalka Sahlgrenska ee jaamicadda Göteborg, iyadoona laga soo wareejiyey isbitalka koonfurta Älvsborg.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista