Experter: "Saab kommer att läggas ned"

Rajadii Saab oo gabaabisey

Rajadii laga lahaa in shirkadda gawaarida ee Saab la badbaadiyo oo aad hoos ugu dhacdey, kadib burbur ku yimid wadahalkii u socdey shirkadda GM ee mulkida u leh Saab iyo shirkadda kooxda Koeningsegg oo horey ugu talo jirtey iney shirkadda Saab la wareegto mulkinteeda. Iyadoona shaleeyto war ka soo baxey Koeiningsegg ku caddeeysey iney wadahadalka ka baxdey. Middaasina ey madaxdeedu ku macneeysey in wadahadalku gaatin socod ahaa, sida uu sheegey Christian von Koenigsegg.

- Aad iyo aad ayaan runtii u dadaalney bilihii ugu dambeeyey si aan Saab ugala wareegno GM. Wadahaddalladuna iyo qorshaha aannu wadney ee ku dooneeyney mustaqbalkana waa nalku raacsanaa. Hase yeeshee waxaa dhacdey in gaatunsocod wadahadalladu u socdaan, islamarkaana shirkadda Saab ey hoos dhulka u sii galeeyso. Marka wey noo muuqan weeydey in aannu qorshahaan damacsaneeyn uu hirgeli karayo haddey xaaladdu mar sidaa tahey. - Warkaa wuxuu i soo gaarey xaleyto, sida uu sheegey agaasimaha guud ee shirkadda Saab Jan Åke Jonsson. Sidoo kale wuxuu afhayeen u hadley shaleyto shirkadda gawaarida ee GM, ahna shirkadda mulkida u leh Saab uu sheegey in aaney illaa hadda jirin cid kale ee xiiseeneeysa Saab oo uu xiriir ka dhaxeeyo GM. Xaaladda ayaa ka murugoodeen maamulka shirkadda Saab, shaqaaleheeda iyo dhowr iyo kontonka kun ee ku dhaqan nawaaxigaa magaalada Trollhättan. Mar kale Jan Åke Jonsson. - Aad iyo aad ayaan uga xunnahey in xaalku sidan ku gabagaboobo. Waa arrin aan gelliney xoog aad u fara badan, in natiijo noocaniya uu ku dhamaadana waa mid aan aad uga xunnahey. Kulan uu maamulka shirkadda GM isugu iman doono maalinta salaasadda ee toddobaadka foodda nagu soo haya ayaana la filayaa in lagu go'aamiyo mustaqbalka shirkadda Saab, iyadoo ey wararka leeysla dhexmarayo qaarkood sheegayaan in shirkadda Saab albaabada loo laabi doono. Halka uu agaasimaha guud ee shirkadda gawaarida ee Saab Jan Åke Jonsson, sheegey in shirkadda loo baadigoobayo xal kale iyo sidii lagu badbaadin lahaa. Waxey sidoo kale wararku isla dhexmarayaan in la filayo eyna weli xiiseeneeyso shirkadda Saab, shirkad laga leeyahey dalka Shiinaha ee gawaarida.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista