AF tar hand om nyanlända

Go’aan dawladdu ku talajirto

Hoowlo socdey dhoowr sannadood dabadeed ayey dawladda Iswiidhen ey maanta xubnaha baarlamanka soo hordhigtey go’aan la xiriira sidii loogu sahli lahaa dadyoowga asal ahaan ka soo jeeda dalka dibaddiisa ey suuqa shaqada ugu geli lahaayeen iyo sidoo kale is-dhexgalka bulshada. Sarakiisha maamulka dawladda ayaa sheegey in arrinkani yahey fikir la xiriira hab isbedel guud ee siyaasadda is-dhexgalka.

Sida ku cad maqaal lagu soo daabacey wargeeyska maalinlaha ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano SVD, in dawladdu ku talo jirto iyada oo u mareeysa xafiisyada shaqada ey damacsan tahey iney masuuliyad badan ee la xuiriirta hoowlaha is-dhexgalka kala wareegto degmooyinka oo iyagu iminka haya masuuliyaddaa.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista