Sahlin öppnar dörren för en bred regering

Sahlin oo gacanta u fidisey Fp iyo C

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Socialdemokrat-ka Mona Sahlin ayaa gacanta u fidisey xisbiyada Shacabka Fp iyo kan dhexe ee C, soona jeedisey in xadka xisbiyada u dhaxeeya wax laga badalo si loo hor istaago iney awoodda dalka saameeyn ku yeeshaan haddii xisbiga xag-jirka ee SD ey u suurtagsho in xubno ka tirsan ey baarlamanka soo galaan doorashada dhici doonta sannadka foodda innagu soo heeysa ee 2010, sida ey hogaamiyaddu ku soo daabacdey wargeeyska maalinlaha ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno DN.

SD ayaa tirakoob ey sameeysey heeyadda tirakoobka ee Synovates ey taageeraddisu kor u kacdey 0.8%, gaarteyna 4,7%. Tirakoobkaa ayey saddexda xisbi ee mucaaradku ku heleen tiro gaareeysa 48,7%, halka ey afarta xisbi ee talada dalka hayaana ku yeesheen 45,4%. Haddii doorashada sannadka foodda innagu soo heeysa sidaa u dhacdo ayey hogaamiyaha xisbiga Socialdemokrat-ku Mona Sahlin iney diyaar u tahey iney hogaanka u qabato dawlad sal ballaaran oo ey xubneheeda ka mid noqdaan xisbiyada Shacabka Fp iyo kan Dhexe ee C. Muddo aan sidaa u fogeeyn ayey labada xisbi ee Fp iyo C u soo jeediyeen xisbiga mucaaradka ee Cagaaran Mp uu la shaqeeyo afarta xisbi ee talada dalka haya haddii uu xisbiga xag-jirka ee SD uu baarlamnka soo galo, si aan loogu baahan taageero ey xisbigaa ka doontaan xisbiyaga ku midooba awoodda dalka, waa haddii xisbiga Sd uu noqdo miisaanka awoodda siyaasadda.