Det är ett uttryck för fördomar

Munaaradaha oo la mamnuucay

Wasiirka arrimmaha dibadda ee dalkan Iswiidhen Carl Bildt, ayaa ku tilmaamey go’aan lala yaabo in su’aasha la xiriirta munnaaradaha laga adimo ee masjidyada lagu go’aamiyo codeeyn bulshada looga qaado.

Axaddii shaleeyto taariikhduna ku beegneeyd 29-ka Noveember ee 2009 oo bulshada dalka Iswiisku u dareereen iney codkooda ka dhiibtaan go’aan la xiriira in dalkaa laga mamnuuco dhimo masaajiddo leh qalcadaha laga adimo (munnaaradda masaajidka). Cod bixintaasina oo 57% ey haa ugu codeeyeen iyo in la mamnuuco middaa. Waxaa dalka Iswiiska ka dhisan afar masjid ee leh munnaaradaha laga adimo, halka mid shanaadna la hadal hayey in la dhiso.