Foto: Michel Euler/Scanpix
Eu enigt om klimatmiljarder

Eu iyo badbaadinta cimilada

Madaxda dawladaha ururka midoowga yurub ayaa isku raacay in lacag dhan 6 milyaardar oo euro ey jugta hore ku maalgaliyaan mashruuca cimilada taas oo ey ku caawinayaan dalalka dunida ugu fakhrisan si ey dalalkaasi dhankooda waxqabad uga geeystaan khatarta cimilada ee dunida soo foodsaartey.Sidaas waxaa sheegey ra'isal wasaaraha boqortooyada Biritishka Gordon Brown.

Shirjaraa'id oo ey wadaqabteen ra'isal wasaaraha Biritishka Gordon Brown iyo madaxweeynaha dalka Faransiiska Nicolas Sarkozy ayey ku sheegeen in uruka midoowga yurub madaxdiisu isku raaceen in ey ku maalgaliyaan mashruuca cimilada lacag qiyaastii dhan 63 milyaardar oo karoon,taas oo wax yar ka badan 6 milyaardar oo euro.

Wadahaladaas oo ay hay'adda qaramada midoobey hormood ka tahay, ayaa waxaa goolku yahay in dawladaha adduunka ugu taajirsani ku yaboohaan jugta ugu horeeysa lacag dhan 10 milyaardar oo doolar oo qiyaastii u dhiganta 70 milyaardar oo karoon si wax looga qabto khatarta cimilada.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista