Foto: Tony Dejak/Scanpix
Arbetskraftsinvandring

Soo galooti muruqmaal ah

Hal sano ka dib markii uu dhaqangaley sharciga fududeeynaya in dadka ka soo jeeda dalalka ka baxsan ururka midoowga yurub ,ay dalkaan Iswiidhan ka heli karaan waraaqo aqoonsi oo ay ku shaqeeysan karaan,ayaa dad badan oo ogolaanshahaas heley waxay heleen shaqooyin.

Qiyaastii 14 000 qof oo iyagu ka soo jeeda dalal ka baxsan ururka midoowga yurub ayaa sanadkii la soo dhaafey dalkaan Iswiidhan ka heley waraqo aqoonsi oo ay gudaha dalkaan uga shaqeeysan karaan ,tiradaas oo boqolkiiba 30 kor u kacdey marka la barbar dhigo tii sanadkii ka sii horeeyey, sida lagu caddeeyey waxbixin ay soo saartey hay'adda socdaalka ee Migrationverket.

Dadkaas badankiisa ayaa heley waraaqo aqoonsi oo shaqo muddo aad u kooban ama u yar sida tusaale ahaan shaqooyinka beeraha miraha looga guro xilliga xagaaga woqooyiga dalkaan Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista