Foto: Khalid Mohammed/Scanpix.
Sverige hjälper drabbade bombdådet

Iswiidhan iyo qaraxii muqdisho

Iswiidhan ayaa caawineeysa dadkii ku waxyeeloobey qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho 3-dii bishaan december.

Iswiidhan ayaa ugu deeqi doonta lacag dhan hal malyan iyo afar boqol oo kun oo karoon si loogu daaweeyo dadkii dhaawacu ka soo gaarey qaraxii ismiidaamiska ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiiradda dalkaan Iswiidhan u qaabilsan mucaawinada Gunilla Carlson ayaa sheegtey in ay aad uga xun tahay in mar kale uu dalka Soomaaliya ka dhaco fal argagixisnimo oo ku wajahan dadka shacabka ah iyo mas'uuliyiinta dawladda .

Deeqdaan ay Iswiidhan arrintaas ku bixineysaana waxay cabireeysa sida aan u garab taaganahay kuwa iyagu isku dayaya in ay nabadda iyo dib u heshiisiinta wax ka qabtaan dalkaas ay colaadu ku habsatey,ayey tiri wasiiraddu.

Dhacdadaan ismiidaaminta ah ayaa lala beegsadey goob ay ka socotey xaflad qalinjabineed oo loo sameeyey ardey ka qalin jabisey kulliyad caafimaad,waxaana goobtaas ku sugnaa boqolaal qof.

Labaataneeyo qof ayaa qaraxaas naftooda ku waydey waxaana ka mid ahaa dhawr wasiir,wariyayaal,ardey,

takhaatiir iyo dad kaleeto oo aan waxba galabsan.

Ilaa kontomeeyo qof ayaa iyaguna goobtaas ku dhaawacmey

oo 18 ka mid ahi ay xaaladoodu khatar tahay una baahan gargaar caafimaad oo deg deg ah kaas oo aan ka jirin Soomaaliya.

Hay'adda qaramada midoobey ayaa adduunka mucaawimo uga uruurineeysa dadkii dhacdadaas wax ku noqdey.

Ururka midoowga yurub iyo qaramada midoobey ayaa labaduba canbaareeyey falkaas argagixisnimo.

Hay'adaha caalamka ayaa taageersan in hab nabadgalya ah lagu xaliyo dagaalka Soomaaliya ka jira iyagoo loo marayo

go'aanadii dib u heshiisiineed ee lagu gaarey dalka jabuuti.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista