Fängelsedom för mord i Kista står fast

Maxakamadda sare iyo dilkii Romario

Maxkamadda sare ee dalkaan Iswiidhan ayaa maalintii arbacada Go'aamisey in aysan dib u eegeeyn xukunkii ay maxkamadi wiil 19 jir ah ugu xukuntey todoba sano oo xarig ah kaas oo lagu eedeeyey dil loo adeegsadey middi oo ka dhacay xaafadda Shiista ee magaalada Stockholm sanadkii hore bishii oktoobar ,halkaas oo lagu diley wiil 23 jir ahaa oo la oran jirey Axmad Ibraahim Cali kuna magac dheeraa Romario.

Laba wiil oo Romario saaxiibo la ahaa ayaa iyagana isla goobtaas middi si xun loogu dhaawacay inkastoo ay dhimasho ka badbaadeen.

Saddex wiil oo iyaga danbigaas lagu soo eedeeyey,ayey maxkamad hore oo heer dagmo ahi sii deeysey dhammaantood xataa ka dib markii wiilkaan 19 jirka ahi isagu danbigaas qirtey.

Laakiin bishii november ee la soo dhaafey ayey maxkamadda Sveahövrätt todoba sano oo xarig ah ku xukuntey wiilkaan 19 jirka ah oo isaga danbigaas lagu soo oogey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista