Klimat mötet i Köpenhamn

Shirka cimilada oo ismari waa ka jiro

Shirkii cimilada ee Cop ayaa wali ka socda caasumadda dalka Denmaark ee Koobanheegan,maalinta jimcaha ayaana ah tan ugu danbeeysa muddada shirkaasi in uu socdo loogu talagaley,waxaana halkaas ku kulansan madaxda adduunka ka talisa oo iyagu boqol kor u dhaafaya.

Waxyaala badan oo ku saabsan sidii loo dhimi lahaa sunta warshaduhu hawada ku sii daayaan,ayey ka qeeybgalayaasha shirku isku mari la' yihiin oo khilaaf weeyni ka jiraa.

Dawladaha horumarey ee warshadeeysan ayaa ka dalbadey wadammada soo koraya in ay dhimaan qiyaastii inta u dhaxeeysa boqolkiiba 25 ilaa boqolkiiba 40 sunta dalalkaasi hawada ku sii daayaan.

Waxaa hadafka shirku yahay in lacag dhan 100 milyaardar oo doolar sanad walba meel loo dhigo si loo xakameeyo heer kulka dunida oo kor u sii kacaya.

Waxaase dood aad u balaarani ka jirtaa cidda iyadu kharashkaas bixineeysa.

Shirkaas cimiladu wuxuu isku raacey arrin horey dalalku ugu soo heshiiyeen oo aheeyd in heerkulka hawada adduunka laga dhimo qiyaastii laba darajo oo qiyaasta Selsiyooska ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista