Foto: Dragan Mitrovic/Scanpix.
GM vill inte få Saab sålt

Saab iyo iibinteeda

Shirkad laga leeyahay dalka Hooland oo lagu magacaabo Skyper ayaa sheegtey in ay wali xiiso u heeyso in ay iibsato shirkadda Saab Automobile oo iyadu baabuurta sameeysa.

Shirkaddaan Skyper oo iyadu sameeysa baabuurta dheereeysa oo lagu tartamo ayaa intii muddo ahba wadahadalo kula jirtey shirkadda Gereral Motors oo iyadu leh saamiga ugu badan ee shirkadda Saab si ay u iibsato ,taas oo ay markii hore ku heshiin waayeen qiimaha shirkaddaas lagu iibin karo.

Markaas ka dib ayaa shirkadda GM maalintii jimcaha aheeyd waxay ku dhawaaqdey in ay gabi ahaanba albaabada u laabeeyso shirkadda Saab Automobile oo ay xireeyso,taas oo markaas ka dib la sheegey dhoowr shirkadood oo iyagu xiiseeynaya iibsashada Saab Automobile waxaase laga xusey oo kaliya shirkadda Skyper.

Matts Carlsson oo isagu baabuurta ka faalooda dagena magaalada Göteborg,ayaa shirkadda General Motors ku eedeeyey in ay shirkadda Saab Automobile u xireeyso ama uga takhaluseeyso iyadoo ka baqeeysa in ay mustaqbalka la tartanto,mana rabto ayuu yiri xataa in shirkad kale iibsato.

Shirkadda skyper waxay haysataa ilaa caawa saacaddu marka ay tahay Kow iyo tobanka fiidnimo, in ay ku iibsato shirkadda Saab Automobile sidaas waxaa yiri Matts Carlsson oo isagu ka faalooda baabuurta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista