Kritik nya anlända i arbete

Canbaareeyn dawladda loo soo jediyey

Degmada Soolna ayaa canbaareeysey sharci cusub oo ay dawladdu rabto in ay dalkaan ka dhaqan galiso bisha Diseember koowdeeda sanadkaan 2010-ka ,kaas oo ah in dadka soo galootiga ah oo ku cusub dalkaan Iswiidhan ,xafiiska shaqada mas'uul looga dhigo shaqageeyntooda iyo sidii ay guud ahaan  dalkaan ku dhexgalin lahaayeen taas oo awal aheeyd hawl ay kumuunada dalkaani qaban jireen.

Dawladda ayaa sheegtey in kumuunadu ku guuldareeysteen sidii ay dadkaas cusub bulshada u dhexgalin lahaayeen,waxyna rabtaa in xafiiska shaqadu  hawshaas kumuunada kala wareego ,iyadoona dawladu fulinta arrintaas ugu talagashey  lacag dhan 920 malyan oo karoonka Iswiidhishka ah .Waxay kaloo  dawladu rabtaa in ay siyaadiso mas'uulnimada qofka shakhsiga ah arrintaas ka saaran iyo sidii uu qofkaasi isugu habeeyn lahaa in uu ku dhexgalo nidaamka shaqada ee dalkaan Iswiidhan ka jira.

Sida laga soo xigtey hay'adda qorsheeynta qaranka ee dalkaan Iswiidhan, ilaa muddo shan sano ah ayey hadda qaadataa in boqolkiiba 50 dadkaas cusub oo soo galootiga ahi ay shaqooyin ku helaan.

Laakiin warbixin ay ku qoreen madaxda dagmada Soolna oo iyadu ku taala magaalada Stockholm, wargeeyska maalinlaha ah ee DN ayey ku sheegeen in dagmadooda Soolna ay si weeyn ugu guuleeysatey in ay shaqo galiso,muddo hal sano ku siman boqolkiiba 75 ilaa boqolkiiba 80 ,dadkii soo galootiga ahaa ee iyagu dagmadaas dagey.

Sidaas daraadeedna waxay dawladda u soo jeedinayeen in aysan kumuunada dhankaas ku najaxey sida kooda oo kale ,ku khasbin in ay hawsha dadkaas soo galootiga ah ku wareejiyaan xafiiska shaqada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".