Saab ska läggas ned

Saab oo albaabadda loo laabayo

Shirkadda Saab automobile oo baabuurta sameeysa ayaa la xirayaa oo albaabada loo laabayaa,sidaas waxaa sheegey madaxa sare ee shirkadda General Motors sida ay warisey wakaaladda wararka ee reuters.

Sida laga soo xigtey ku xigeenka madaxa shirkadda General Motors Bob Lutz ayaa sheegey in aysan jirin lacag dheeraad ah oo ay soo bandhigeen shirkadihii rabey xilliyadii danbe in ay iibsadaan shirkaddaas Saab,laakiin wuxuu dhanka kale intaas ku darey in xilliga lagu dhexjiro xiritaanka shirkaddaas saab ay u furnaan doonto shirkad kasta oo iyadu xiiseeyneeysa in ay Saab iibsato, ayna soo gudbin karto qorsheheeda ay shirkaddaas ku iibsaneeyso.

Dhanka kale wasiirka gaadiidka ee dalka mareeykanka Ray La Hood ayaa sheegey in aysan dawladdiisu soo faragalin doonin waxa ay shirkadda general Motors ka yeeleeyso arrinta Saab.

Dawladda Mareeykanku waa tan iyadu leh saamiga ugu badan ee shirkadda General Motors.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".