Landets första privata apotek

Farmashiye gaar loo leeyahay

Maalinta axadda ah oo bishu tahay 17-ka janaayo ayaa waxaa dalkaan Iswiidhan laga furi doonaa farmashiyihii ugu horeeyey oo si gaar ah loo leeyahay.

Shirkadda lagu magacaabo Medstop ayaa iyadu la wareegeeysa ilaa iyo 21 farmashiye oo ku yaala gobolada dhexe ee Mälerdalen,farmashiyaha ugu horeeya oo ay la wareegeeysaana wuxuu noqon doonaa mid ku yaala Scheelegatan, Stockholm.

Albaabka hore ee farmashiyahaas ayaa isla maalinta axadda waxaa laga dajin doonaa boodhkii astaanta u ahaa shirkadda Apotek oo iyadu farmashiyahas horey u laheeyd ,waxaana taas badalkeeda la saari doonaa mid uu ku qoran yahay magaca iyo astaanta shirkadda Medstop.

Shirkadda Medstop ayaa guud ahaan iibsatey ilaa iyo 62 farmashiye oo ay horey u laheeyd shirkadda Apotek.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".